Kenya oo beenisay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya

13

Wasaaradda Arrimaha Dibada Kenya ayaa beenisay in Kenya ay faragelin ku hayso Siyaasada gudaha Somalia.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in sababihii loo ceeriyay Safiirka Kenya ee Somalia ay timid kadib markii Jubaland ay diiday hanaanka Dowladda ay u wado Doorashada 2021,Waxaa sidoo kale jirta Faragelintii Kenya ee Doorashadii uu kusoo baxay markale Axmed Madoobe.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Kenya ayaa lagu sheegay in aysan sax ahayn ayyana raad lahayn wararka sheegaya In Kenya faragalin ay ku hayso Siyaasada Somalia.

Beenintaan ayaa imaanaysa saacado kadib markii Dowladda Somalia ay dalka ka ceerisay Ambassador Lucas Tumbo oo lagu eedeeyay inuu ku lugleeyahay joogteenta faragalinta Siyaasada Somalia.f