Cillad ku timid diyaarad ay la socdeen wafdi wasiirro iyo xildhibaano ah

19

Warar ay heshay markabley ayaa sheegaya in diyaarad uu saarnaa guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo qaar kamid ah xildhibaanada dowlad goboleedka HirShabelle ay cillad farsamo soo wajaday.

Diyaarada ayaa ka duushay garoonka ee magaalada Jowhar, waxaana ay kusii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Diyaarada waxaa ku timid cillad xagga matoorka ah, waxaana ay si degdeg ah uga dagtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu waddaa in gudoomiyaha iyo wafdigiisa ay mar kale ka duulaan Muqdisho, isla markaana ay gaaraan magaalada Beledweyne, maadaama ay halkaasi ka taagan tahay hub aruuris ay sameynayaan maleeshiyaad kasoo horjeedda maamulka HirShabeelle.