Turkiga iyo Jaamacadda Carabta oo war ka soo saaray weerarkii ka dhacay Muqdisho

25

Allaha u naxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka dhacay aaska sideed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay weerar lala beegsay maaqayad lagu magacaabo Gelato Devino ee ku taalla meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehellada dhalinyarada la dilay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si adag maanta u cambaaraysay weerarkii ka dhacay Muqdisho ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan

“Waxaan Cambaaraynaynaa falkaasi argagixiso ee horonimada ah, waxaanan tacsi u diraynaa shacbiga Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay iyo dowladooda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Turkiga.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Al-Sayid Caadil Cabdirraxmaan Al- Cusuumi oo cambaareeyay weerarkaas ayaa yiri, “Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Shacbigeeda dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxaanan ka taageeri doonaa tallaabooyinka looga hortagayo ururada Argagixisada ah.”