Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey heshiis la xariira maamulka DP-World ee dekadda Boosaaso

16

Golaha wakiillada Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ku yeeshay fadhigoodii 18-aad, kalfadhiga 47-aad ee baarlamaanka Puntland, kaas  oo uu shir-guddoomiyey guddoomiyaha koowaad ee golaha  Cabdirashid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 xildhibaan ayaa la hor keenay codsi Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu horay ugu soo gudbiyay, kaas oo ahaa in la sii wado howlaha dhammeystirka heshiisyadii maamulka Puntland iyo shirkadda  DP-World ee dekadda magaalada Boosaaso.

38 ka mid ah xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ayaa u codeeyay in la dhammeystiro heshiiskaas, 11 xildhibaan ay diideen.