Madaxweyne Qoor qoor iyo safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya oo kulmay

35

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa  kulan kula qaatay magaaladda Muqdisho danjiraha Dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee dalka, sida arimaha doorashooyinka iyo arimo kale.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa weli magaalada Muqdisho ka wada  kulamo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.