Hoos ka dhageyso Barnaamijka Samawade,Mowduuca 1aad ee R MARKABLEY

29

Hoos ka dhageyso Barnaamijka Samawade,Mowduuca 1aad.

Kulanti wanaagsan dhageysatayal ku soo dhawaada barnaamijka sama wade ee radio markabley,waa habeenimo Isniin ah Taariikhduna ay ku began tahay 16/11/2020.

Barnaamijka sama wade caawo waxaan ku soo qaadanaynaa

Hay’adda nabadsuggidda iyo sirdoonka ee NISSA ayaa ku qabatay dekadda muqdisho agab laga sameeyo walxaha qarxa oo ay argagixisada shabaab isku dayayeen in ay ku dhex qariyaan badeecadaha ay soo degsadaan ganacsatada Soomaaliyeed taas oo muujinaysa in godadkii qarsoonaa ee argagixisada lasoo faagayo iminka.

Hadaba dhabar jab intee la eg ayay ku tahay kooxda shabaab talaabadaan ay qaadday NISSA?

Barnaamiujka sama wade caawo waxaa marti ku ah

1.Sheikh mukhtaar c/raxmaan gudoomiyihii hore ee maxkamada degmada Baardheere.
2.Taliye ku xigeenka nabad sugida degmada baardheere deerow c/lle isaaq

Barnaamijka waxaad si toos ah ugala socotaan radio markabley FM 88.8 baardheere iyada oo cida uu seego barnaamijkan ay dib uga daalacan karto janalka yutubkeena sama wade show ama barta facebook
Samawade.so.

Inta barnaamijka uu hawada ku jiro waxaad fariin noogu soo diri kartaan telefoonka nambarkiisa uu yahay.

0613880535, sidoo kale waxaad fariimaha noogu soo diri kartaan imfo@samawade.so
Barnaamijka waxaa caawa idin la socodsiinayo khaddar maxamed siraad . Dhanka farsamada waa maxamed deeq cabdi cali (alfa)

Barnaamijka sama wade caawa waxaa soo saaray yaxye c/risaaq soofe
waa mar kale iyo barnaamijkii sama wade ee radio markabley