Dowladda Somalia Oo Walaac Ka Muujisay Soo Laba Kacleynta COVID-19

7

Waxaa dunida ku soo laba kacleeyay Xanuunka COVID19, Somalia waxaa ay ka mid tahay dalalka uu dib ugu soo laba kacleeyay Cudurka COVID-19, waxana sare u kac ku yimid tirada dadka laga helay xanuunka iyo sidoo isa soo taraya warbixinnada ka imaanayana xarumaha caafimaad ee kala duwan ee ku saabsan bukaanada la xanuunsanaya cudurka faafa ee Covid- 19, taa soo muujinaysa soo laabasha xanuunkan.

Wasaarada Caafimaadka waxaa ay dib u howl galisay guddiyada iyo xarumaha la tacaalida iyo xakameynta cudurka COVID-19, sidoo kale wasaarada caafimaadka ayaa dib u qaabayn ku sameesay hanaanka gurmadka iyo ka hortaga fayraska Karoona.

Waxaa si wanaagsan u shaqaynaya xarumaha wicitaanka dadweynaha iyo Numberka wicitaanka ee 449 oo ay dadku soo wici karaan xilli walba iyagoo helaya tallooyin caafimaad iyo xariirada Isbitaalada lagu dabiibayo cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Wasaarada Caafimaadka ayaa dadaal dheeri ah ku bixinaysa sare u qaadida baaritaanada iyo Xoojinta wacyigalinta.

Xogta guud xanuunka COVID-19 ee dalka laga soo bilaabo Bisha March illaa November 2020.

1 Tirada guud ee dadka laga baaray 53,372

2 Tirada guud dadka laga helay 4,382

3 tirada bukaanada ka bogsooday 3,384

4 Guud ahaan tirada dhimashada 108