War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka tagay Xubnihii uu dhawaan u gudbiyay, kuwaasi oo ahaa Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi.
Cabdi Xaashi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in xubnaha uu magacaabay R/Wasaare Rooble aysan ahayn kuwii uu gudbiyay, balse uu sheegay in taasi badelkeeda la qaatay , sida uu hadalka u dhigay xubno uu soo gudbiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mahdi Maxamed Guuleed.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo qoraalka uu soo saaray ayaa waxaa lagu ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin,isla markaana matalin.