Mid ka mid ah Beesha SADE oo ku shirtey Baardheere oo Eedeyn iyo dhaliil u jeedisey Madaxweyne Farmaajo

59

Tan iyo markii la shaaciyey Xubnaha Gobolaha Wasiirada DF Soomaaliya ayaa waxaa isa soo tarayey Cabashooyin ka imaanayey Beesha Xasan Gaashireedle oo ku doodeysay in aan Golaha wasiirada aanan laga siinin waxii ay xaqa u lahaayeen,iyagoona arintaasi ku eedeyey Madaxweyne Farmaajo oo ay ku tilmaameen inuu Cadaalada iyo hanaanka Wax qeybsiga Beelweynta SADE uu ka tagey.

Odoyaasha beesha ayaa waxay sheegeen dowladahii la horeeyey mida farmaajo in Golaha wasiirada mar walba ay ku lahaayeen xubno,balse Madaxweyne farmaajo saami qeybsiga beesha Xasan xaqa ay u lahayd si Awood ah uu ugu takri faley.

Hadaba waa kuwan Hadalada Odoyaashii iyo Waxgaradkii maanta shirka jaraa,id ku Qabtey degmada Baardheere.