Khasaare ka dhashay qarax lala beegsaday guddoomiyaha D/Qansaxdheere

13

Wararka naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jira iyo dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa gaariisa loogu xiray guddoomiya degmada Qansaxdheere, waxayna dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen ilaaladiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka seddax kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay intooda badan waa ilaaladii gudoomiyaha Qansaxdheere oo isagu ka badbaaday shirqoolkaas.

Isgaarsiinta degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay ayaa hawada laga saaray wixii ka dambeeyey markii uu dhacay qaraxaas.