Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee HirShabeelle oo lagu dhawaaqay

24

Xildhibaannada baarlamaanka labaad ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta lagu dhaariyay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale waxaa isla maanta Jowhar looga dhawaaqay guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee maamulkaas.

Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee baarlamaanka cusub ayaa loo doortay Xildhibaan Maxamuud Siyaad Barkhadle, kaas oo kulamada guddoomin doona inta laga xildhibaanadu ka soo dooranayaan guddoomiye iyo ku xigeenno.

Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah Xildhibaan Maxamuud Siyaad ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban 9-xubnood oo ka shaqeyn doona doorashada guddoonka baarlamaanka.

Guddigaas waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan.

Doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle ayaa la qaban doonaa 5-ta bisha soo socota ee November. Waxaana jira olole ay wadaan musharaxiin dhowr ah oo u taagan xilkaas.