UNOCHA”Malaayiin Soomaali ah ayaa gargaar u baahnaan doona sanadka 2021″

27

Hay`adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bani`aadannimada UNOCHA ayaa sheegtay in ilaa 5.2 milyan oo qof oo Soomaali ah ay gargaar u baahnaan doonaan sanadka 2021, sababo la xiriira isbeddelka cimilada sida daadadka iyo ayaxa ku habsaday dhul-beereedka, isku dhacyada hubeysan iyo ammaan darrada, xilligan oo uu jiro xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Hay`adda ayaa sheegtay in ilaa 2.6 milyan oo qof oo Soomaali ah ay haatan yihiin barakac, iyadoo in ka badan 1 milyan oo qofna ay sanadkan dhexdiisa barakaceen.

Daadadkii dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka ayay OCHA sheegtay inay saameeyeen ku dhowaad 1.6 milyan oo qof, oo ay ku jiraan 716,000 oo ay barakiciyeen, iyagoo burburiyay dhul-beereedyo isla markaana gooyay waddooyin.

Ayax ku habsaday dhul-beereed ayaa tan iyo bishii January saameeyay 685,000 oo qof.

Waxay OCHA sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in ilaa 850,000 oo carruur ah oo ay da`doodu ka yar tahay shan sano au wajihi doonaan nafaqo darro ba`an laga bilaabo haatan ilaa bisha August ee sanadka soo socda.

Waxay ka digtay in tirada ay intaas ka badan doonto haddii aan wax laga qaban.