Xiisad colaadeed oo ka taagan Sool.

21

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexaysa Somaliland iyo dadka Deegaanka.

Gudaha magaalada Laascaanood ayaa tan iyo xalay laga maqlay Rasaas goos-goos ah, waxaana xaafadaha qaarkood lagu arkayay koox hubaysan oo hab qabiil u abaabulan.

Shalay, koox hubaysan ayaa xabsiga Laascaanood kala baxay dad loo soo qabtay dilal ka dhacay Gobolka, kuwaas oo u xirnaa Booliiska Somaliland.

Sidoo kale, Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada oo ka soo jeeda Gobolka Sool, kaas oo aan weli la sheegin sababta loo xiray iyo danbiga loo haysto midna.

Gobolka Sool, waxa sannadihii u dambeeyay ka dhacay dagaal beeleedyo hubaysan oo dhexmaray Bulshada Degaanka, kuwaas oo dad badani ku dhinteen, islamarkaana barakac iyo burbur keenay.