Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaala Jubbada Hoose

49

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Jubbaland, kuwa Kenya ee ku howlgala magaca AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxaa uu ka dhacay Deegaanka Taabto  ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu yimid, kadib markii xubno  ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana  halkaas ka dhacay dagaal socday mudo saacad.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay  in xalay ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen labada dhinac, isla markaana aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, maadaama ay aheyd xili habeen ah.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Taabto oo ay uga hadlayaan weerarkaas, waxaana Al-shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan deegaanada ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.