Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ku faanay inuu yahay Itoobiyan

38

Iyadoo maanta ay ku beegatahay 12-ka bisha October, isla markaana 66-sano ay u buuxsantay jiritaanka calanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Jigjiga laga saaray calanka dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali-Galbeed Mustafe Muxumed Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku yiri, “Waxaan ka qayb-galay munaasabada xuska calankeena qaranka dalka Ethiopia. Hadda kahor calankeena waxaa lagu laynjiray dadkeena somaliyed!”

Qoraalka Mustafe Cajgar ayaa intaasi ku sii daray “Hadda waxaa lajooga xiligii somaalidu calankooda sharaf ugu noolan lahaayen iyagoo uga faa’idaysanaya horumarka ganacsiga, iyo aqoonta!”

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Ethiopian maahan isir qawmiya Waa dal magaciis inaan nahay Ethiopian waa inoo Sharaf.”