Ayax ku habsaday deegaano badan oo ka tirsan Galmudug

34

Ayax cusub oo raxan raxan u socda ayaa ku habsaday dhul ballaaran oo ku yaalla deegaannada Galmudug kaas oo dhibaato ba’an gaarsiiyay beerihii iyo daaqsinkii deegaanka.

Deegaannada lagu arkay Ayaxa cusub waxaa ka mid ah Gaalkacyo, Cadaado iyo Caabudwaaq wuxuuna ka soo gudbay Puntaland.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo waraysi siiyay BBC  ayaa sheegay in Ayaxa cusub uu durba baabi’iyay dhul-daaqsimeed iyo beero faro badan inkastoo wali qiimeyntu socoto.

“Khasaaruhu, wali way socotaa qiimeyntu maaddaama wali dhibaatadii socoto lama soo afmeerin laakiin dhul badan oo daaqsin ah, dhul badan oo ah dhulkii xooluhu daaqayeen iyo beero intaba, dooxooyinka uu ku habsado wuxuu kala tagayaa wax allaale iyo wixii cagaar ahaa si degdeg ah ayuu u xaalufinayaa halkii meel oo uu ku dagana wuxuu cuni karaa wax lagu qiyaasay soddon iyo shan kun oo qof waxa ay cuni lahaayeen ayuu hal mar cuni karaa ayaxu” ayuu yiri wasiir Ciid.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dawladda oo kaashanaysa hay`adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ay muddaba ku hawlanaayeen buufinta deegaannada ayaxu ku dagay iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gawaarida gaashaaman.

Ayaxa cusub oo Soomaaliya ka soo galay xeebaha dalka Yeman ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidiya gobollo cusub isagoo qaarkii u gudbay dallalka deriska la ah Soomaaliya.

Soomaaliya oo awalba cunna yari baahsan la daalaa dhacaysay ayaa ayaxan cusub wuxuu uga sii dari karaa xaaladda.