Meydka marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta la keenayo Muqdisho

7

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno meydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo ahaa R/Wasaarihii hore ee Somalia, kadib markii uu ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Marxuumka ayaa maanta aas qaran waxaa loogu sameyn doonaa magaalada Muqdisho, iyadoona qaban qaabada aaska ay ka socoto magaalada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo qaban qaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo marxuum Cali Khaliif, kuwaas ka kooban seddax xubnood.

Sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiye looga dhigay guddigaas, waxaana ku wehliya sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-hayaha wasiirka kalluumeysiga Cabdullahi Bidhaan Warsame.