Somaliland oo ka hadashay doorashada xildhibaanada ku metalada DFS

20

Golaha wasiirrada Somaliland oo shir ku yeeshay  hab Maqal iyo Muuqaal ah (Video-Conference), ayaa waxaa shirka guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyadoo laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay meel ka dhac u arragto in xubno sheeganaya in ay ka socdaan laga doorto magaalada Xamar, isla markaana ciddii ka qeyb gasha mudan doonto ciqaab sharci ah.

Hoos ka Akhriso

Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.

Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.

Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.