QM oo ka digtay khatar ku soo wajahan Soomaaliya xilli roobaadka Deyrta

19

Hey’adda isku dabaridka arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee OCHA ayaa ka digtay in roobabka Soomaaliya ka curtay ay daadad sababi karaan.

Xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in curashada xilliga deyrta laga dareemay meelaha qaar oo roobab xoog leh ay ku hooreen.

Meelaha roobabka lixaadka leh ay ku hooreen ayey ku sheegtay warbixintan inay ka midyihiin gobollada Sool, Sanaag, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool.

OCHA, waxay tilmaantay in roobabku ay sii kordhin karaan xaaladaha fatahaadaha iyo barakaca ka jira qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Saameynta ugu badan ayaa waxaa ay roobabku ku yeelan doonaan sida ay OCHA warbixintan ku sheegtay dadka ku nool meelaha ay fatahaaduhu ka jiraan, gaar ahaan dhulka ku teedsan wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii hey’adan ayaa ugu baaqday maamullada deegaanadaas iyo hey’adaha la shaqeeya inay qorsheeyaan tallaabooyin looga jabaabo wax-yeellada ka dhalan karta xilli roobaadka Deyrta ee ku soo wajahan Soomaaliya.