Itoobiya oo diyaaradaha u diiday in ay dul maraan biyo-xireenka Nile

15

Itoobiya ayaa diidday in diyaarado ay dul maraan biyo-xireenka Nile, sida laga soo xigray website gaar loo leeyahay.

“Agaasimaha guud ee waaxda duullimaadyada korneel Col Wesenyeleh Hunegnaw, ayaa barta Reporter u sheegay in wada tashi ay la sameeyeen waaxda ammaanka kaddib, la joojiyay in diyaarado ay dul maraan gobolka Benishangul-Gumuz [waqooyi-galbeed Itoobiya] halkaas oo ah meesha laga dhisayo biyo-xireenka,” ayaa lagu sheegay warbixinta website-ka.

Wuxuu sheegay in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa alaabta aan midna loo oggolaan doonin inay dul maraan biyo-xireenka, balse xaaladaha qaar ayaa loo oggolaan doonaa.

Taliyaha ciidamada cirka dalkaas, janaraal Yilma Merdasa, ayaa sidoo kale toddobaakdii hore ka digay in ciidamada cirka ay casriyeeyeen diyaaradaha dagaalka isla markaana ay awoodaan inay biyo-xireenka ka difaacaan weerar walba oo cadowgooda uga yimaada.

Biyo-xireenka lagu muransan yahay, oo la filayo inuu noqdo kan ugu weyn Afrika, ayaa sababay inuu xumaado xiriirka Itoobiya iyo Masar iyo sidoo kale Suudaan