Faahfaahin la xariirta Duqeymaha iyo Dilalka Ciidamada Kenya ay ka geysteen Gobolka Gedo,2011 ilaa 2017

105

waxaan halkani ku soo bandhigayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo weliba Qaabka loo diley 52 ruux oo shacab ah iyo dadka dhaawaca ah oo dhamaantoodba ah dad rayid ah oo gaaraya ilaa 69Qof .
Deegaanada Kenya ay duqeysay iyo kuwa sida gaarka ah dadka loogu diley 5tii sanno ee u dambeeyey ayaa waxaan ka xusi karnaa Yaaqle,Ceelcade,Baardheere,Likooley,Tafey,Tarako,Qeyd shamal,Faafaxdhuun,Geriley,Sidimo,warcadey,dhamaso,Buusaar,budada,Birta dheere,Indhoceel,Qorof,Daar macalin,biyo guulleed,nusdariiq,wargaduudo,Garasdulan iyo Ceelgaduud,waana tan magacyada,Taariikhda iyo magacyada dadkii la diley iyo kuwa dhaawacaba.
A)29/11/2011,Ciidamada Kenya oo soo galey Deegaanka dhamaso oo ka tirsan ceelwaaq ayaa waxay toogasho ku dileen Sade Nuur Sugow oo 32 jir ah iyo Bishaar Shuuriye oo 24 sano jira ah.

B)30/11/2011,Diyaaradaha Kenya waxay duqeeyeen Tuulada Yaaqle oo ka tirsan degmada Ceelcade,halkaasina waxay dhaawac ugu geysteen haweeney lagu magacaabo Xaawo cali aden.

C)2/12/2011,Diyaaradaha Kenya waxay duqeyn xoogan ay ka geysteen Degmada Ceelcade oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaana halkaasi ay ku dileen ilaa 3 Ruux iyo dhaawac 8 qof,waxaana kala yihiin magacyada 3dii qof ee ku dhintay duqeyntii Celcade oo kala ah1-Daa,uud Cabdi Maxamuud oo 30 sano jir ah,2-huriye Cali macalin Xuseen oo 20 jir ah iyo 3-warsame Maxamed Maxamuud oo 21 jir ah.

Dhaawacyada ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Siyaad Yuusuf Xiirey oo 25 jir ah,Sareedo Aden diyaad oo 6 jir ah, weli Cabdi Diyaad oo 6sano jir ah,Xabiibo Aden Diyaad oo 8 jir ah,Seynab maxamed Siraad oo 12 jir ah,Seynab Saalax Faarax oo 70 jir ah,Xaliimo Siyaad Yuusuf oo 2 jir ah,Diyaad Cabdi Xasan iyo Iqra Cabdi Diyaad oo 8 jir ah.

C)8/12/2011-waxay diyaaraha Kenya duqeyn ay ka geysteen degmada Baardheere,iyagoona si gaar ah u duqeeyey dhismaha Guriga Dr.C/weli sh.Axmed ,waxaana dhismaha gurigaasi ku geeriyoodey Ibraahin Xasan Kaatun oo 40 jir ahaa iyo weliba dhaawacyo culus oo soo kala gaarey haweeneydii deganayd gurigaasi oo laga magacaabo Daruuro C/laahi ,Nadiifo Geelle Faruur iyo wiil yar oo Daruuro ay u tahay eedo oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahin C/laahi xaraare oo 1 sano jir ah.,iyadoo qaar ka mid ah dhismaha gurigaasina uu soo gaarey Bur bur xoogan.

D)10/12/2011-Waxay diyaaradaha dagaalka Kenya ay mar kale duqeyn ka geysteen deg.Baardheere ,waxayna gantaalo ku rideen Xaruntii Ururka Bisha Cas ee Baardheere iyo Iskuulka Markabley,waxaana dhaawac culus uu ka soo gaarey mid ka mid ah ardeydii wax ka baranaysay Dusigaasi oo lagu magacaabo Feysal Maxamed Cabdi oo 18 jir ah.
E)12/1/2012-waxay Ciidamada Kenya ee ku sugan Deegaanka Faafaxdhuun oo ka tirsan degmada Baardheere ayaa waxay halkaasi ku dileen 5 qof oo shacab ah,halka mid kalena ay si xun u dhaawaceen.magacayda shanta Qof ee la diley iyo midka dhaawaca ah ayaa waxay kala yihiin.1-Aden Cabdi Ducaale oo 21 sano jir ah,2-Coor-Coor Cali Ducaale oo 65 sano jir ah,.3-Jaamac Xaashi dhafe oo 25 jir ah,4-C/laahi Maxamed Loobaan oo 33 sano jir ah iyo 5-Maxamed Cali Iimaan oo 20 sano jir ah,waxaana dilkaasi ka badbaadey islamarkaana uu dhaawac culus uu ka soo gaarey Deerow C/samed Cabdule oo 66sano jir ah.
F) 11/02/2012,waxay Ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa waxay dil ugu geysteen Tuulada Warey oo ka tirsan degmada Ceelwaaq 3 qof oo shacab ah,waxayna kala yihiin Magacyadooda iyo da,doodaba waana sidan.1-Farxaan Maxamed Cabdule oo 22jir ah,2-Axmed Jimcaale Buraalleoo 25 sano jira iyo 3-Xasan C/laahi Ismaaciil oo 33 jir ah.

G) 10/03/2012, waxAY Ciidamada Kenya ee ku sugnaa Tuulada Buusaar oo ka tirsan ceelwaaq,ku dileen Cabdulaahi Xasan Cabdille oo 41 sano jir ahaa,
sidoo kale duqeyn ka dhacdey Tuulada Budada oo ka tirsan ceelwaaq ayaa waxay diyaaaradaha kenya duqeyn xoogan ku dhaawaceen Cali Aden Axmed Sharmaake.

H)15/03/2012-Waxay diyaaradaha Kenya duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka geyteen Tuulada Tarako oo ka tirsan degmada Baardheere,waxayna halkaasi ku dileen Maxamuud Cali C/rixmaan oo 15 sano jir ahaa,waxaana sidoo kale Duqeymahaasi ku dhaawacmay,C/;aahi C/rixmaan Sh.C/;aahi,Axmed Maxamed Jaamac,diyaad cabdi xasn,Axmed Aden shuuriye iyo Cabdi Dhaqane Faarax Cabdile.

J)13/8/2012,Waxay Ciidamada Kenya mar kale Duqeyn ay ka geysteen Deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ay ku dileen Haweeney Uur lahayd oo lagu magacaabi jirey Aasiyo C/laahi diiriye oo 25 jir ah ,ifkana kaga tegtay Labo Caruur ah,iyadoo sidoo kalena Duqeyntaasi ay si xun ugu dhaawacmeen Labo Caruur kale.

K)23/8/2012,Duqeyn dhinaca Diyaaradaha oo ay Ciidamada Kenya ka geysteen gudaha Degmada Baardheere waxaa ku dhaawacmey Labo gabdhood oo walaalo ah waxaa si xun ugu dhaawacmey labo gabdhood oo walaalo ah oo caruur ah,da,doodu ay dhaxeyso 5 ilaa 7 jir,uuna dhaley aabe lagu magacaabo Kaliil kana mid ah dadka danyarta ah ee dulaaleyda ah ee ka shaqeysta Suuqa Xoolaha.

Waxayna maalin ka hor diyaaradaha duqeyn ka hor Duqeyn dhinaca Cirka ah ay ka geysteen Birta dheer oo kismaayo u jirta 60 km,waxayna ku laayen tiro Geel ah oo dhan 45 neef,waxayna bur buriyeen baraago xoolahu ay biyaha ka cabaan.
M)29/9/2012,Diyaaradaha Kenya ayaa markii afaraad mudo sanad ah waxay duqeeyeen gudaha Magaalada Baardheere,gaar ahaan Guryo ay deganaayeen dad shacab ah,Masjid ku yaala Iskuulka Markabley Xarunta TBda iyo Xaruntiii hore ee ADCda,waxaan duqeymahaasi ku geeriyoodey nin lagu magacaabi jirey Xuseen Ibraahin Aden oo 32 jir,kana mid ahaa dadkii Salaaada duhur ku tukunayey Masjidka.

Sidoo kale waxay dhaawacyo ka soo gaareen Duqeyentaasi ilaa 7 ruux oo ay ku jiraan 3 caruur oo walaalo ah,waxayna kala yihiin Magacyadooda,nasro cali cabdi oo 14 sano jir ah,Maxamed Cali Cabdi oo 6sano jir ah,Maxamed Cali Ibraahin oo10 sano jir ah,Raxmo Cabdi Sh,Diini oo 14 sano jir ah iyo Nasteexo Cabdi Xaashi oo 2 sano jir ah,Ladan Maxamed Cabdi oo 7 sano jir ah iyo Daahir xuure oo 65 sano jir ah.
N)12/7/2015, Dugsi Qur’aan lagu barto oo ku yaala Deegaanka Nus-dariiqa ayaa waxaa ku soo dhacay gantaal, waxaana la soo sheegayaa in ay ku dhimatay ugu yaraan shan arday, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay dugsigaasi.

O)5 /8/ 2015, Ciidamada Kenya ee Qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan Magaalada Bardheere ,Duqeyn ay ka geysteen nawaaxiga Tuulada Daar, halka lagu magacaabo Biyo Guulleed oo Baardheere u jirta ilaa 33 km, waxaana duqeyntaasi ku dhintey Nin xoolo ley ah oo lagu magacaabo Cabdi Aden Xaaji Cumar oo 19 jir ah.
P)20/1/2016,ciidamada Kenya waxay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka sameeyeen Tuulada Likooley oo ka tirsan degmada Ceelwaaq,tiro Xoolo ah ayaa ku dhimatey duqeymahaasi ,waxaana bur burey guryo dhowr ah
R)21/1/2016,ciidamada Kenya waxay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka sameeyeen Tuulada Ceelgaduud oo ka tirsan degmada Garbahaarey,tiro Xoolo ah oo isugu jira Geell ayaa ku dhimatey duqeymahaasi,dadkii deganaa tuuladaasina wey barakaceen.
S)24/1/2016,Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan degmada Baardheere,sida Daar macalin,Cabdi afeey iyo Cali marexaan ,dad shacab ah ayaana ku dhaawacmey madaafiicda diyaaradaha ay ridayeen.
22/6/2016,Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystey deegaano ka tirsan Goblka Gedo
22/6/2016,Diyaaradaha Kenya oo laayey 2Caruur isku Qoys ah ,tuulo hoostagta Degmada Ceelwaaq
27/6/2016,Ciidamada Kenya oo mar kale duqeeyey deegaanka Dhamase ee Gedo,Boqlaal qoys ayana ka barakacay guryahooda.
28/6/2016,Ciidamada Kenya oo duqeeyey Deegaanka dhamaso ee Gedo,hal ruux oo dumar ayaa dhintey ,4 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
30/6/2016, Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo Duqeymo xoogan ka wada Gobolka Gedo,gaar ahaan nawaaxiga Ceelcade,waxayna laayeen xoolo gaaraya 45 neef oo isugu jira geel iyo ari
22/7/2016,Ciidamada Kenya oo mar kale duqeymo ka geystey Tuulada Dhamase oo ka tirsan degmada Ceelwaaq
18/9/2016, 5 Qof Oo Ku Geeriyootay Duqeyn Ay Ciidanka Kenya Ka Wadaan deegaanka Dhamase oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
1/3/2017.Diyaarado duqeeyey deegaanka Haro mandhera oo ka tirsan Gobolka Gedo.
11/4/2017,Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay tuulada kantama oo ka tirsan Baardheere
20/4/2017,Ciidamada Kenya oo 2 shacab ah walaalo ku diley Tuulada Baqtiiley oo u dhow geriley iyo dhaawaca mid kale.
25/4/2017,diyaarado-dagaal-oo-duqeymo-xoogan-ka-geystayTuulada Wargaduudo oo ka tirsan gobolka-gedo
5/5/2017,Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystey deegaanka War cadeey ee Gobolka Gedo
5/5/2017,duqeyn madaafiic oo ay Ciidamada Kenya ka geysteen nawaaxiga Geriley oo Caruur ay ku dhaawacmeen.
12/5/2017,Diyaaradaha Kenya oo duqeymo ka geystey Tuullooyinka siidimo iyo Burcalaan ee Gedo
12/6/2017, Gedo: Khasaare Ka Dhashay Duqeynta Maanta Geysteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya,dhaawaca ilaa 3 ruux oo xoolo dhaqato ah ,islamarkaana deganaa Tuulada Garasdulan oo Baardheere u jirta 55 KM,waxayna kala yahiiin Magacyadooda,1-Xasan Aden faragaab,37 jir macalin dugsi Quraan,2-Maxamuud Cismaan Sh Nuur,23 sanno jir Xoolaley iyo 3-Aden Nuur Xaafow,34 sanno jir xoolaley

(Wa Bilaahi Towfiiq)

Diyaariye By:Axmed Cumar Saalixi
Baardheere/Gedo
Saalixi77@gmail.com