Xaliimo Yareey & Safiirka Sweden oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

12

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil (Xaliimo yareey) ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dawaladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.

Safiirka iyo Guddoomiyaha ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho.

Waxaa sidoo kale ay ka wada-hadleen geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah oo ka qabsooma Soomaaliya mustaqbalka.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey ayaanan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada soo socota maadaama heshiiskii doorasho  ee Muqdisho lagu gaaray uu dhigayo in la Magacaabo Guddi doorasho oo ka kala socda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.