Ciidamada Kenya oo dad Shacab ah ka afduubtay Gobolka Gedo

40

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay galabta dad Shacab ah ay ka afduubteen deegaanka Yadoo, oo 30km waqooyi bari kaga beegan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dadka ay Ciidamada Kenya afduubteen oo uu ku jiro nabadoon Caan ah ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Warsame Abeyle, Maxamed Shidane Xasan iyo Warsame Barre Qorane, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan laogeyn halka ay lala aaday.

Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dadka la afduubtay ay ahaayeen Xoolo dhaqato, isla markaana afduubka ay ka dambeeyeen ciidamo sigaar ah u tababaran oo ka tirsan Millateriga Kenya.

Waxaa uu hadalkiisa inatasi ku daray in degaanka ay Ciidamada Kenya ay dadka ka afduubtaan in aysan joogin Al-Shabaab, balse ay tani qeyb ka tahay gabood-faladii ciidamada Kenya ku hayeen dadka ku dhaqan Gobolka Gedo, waxaana dowladda Soomaaliya uu ugu baaqay inay arrintaan soo farageliso.

Ciidamada Kenya ayaa horay Odayaasha & waxgaradka gobolka Gedo waxaa ay ugu eedeeyeen inay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka Shacabka ah, isla markaana ay duqeyn ku dileen dad Xoolo dhaqato ah.