Khayre iyo Qoor Qoor oo ku kulmay Muqdisho

48

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Kheyre ayaa sheegay inuu kulan miro dhal ah la qaatay Qoorqoor ayna ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka iyo kaalinta Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu madaxweyne Qoorqoor kala hadlay xaaladda Galmudug iyo wixii u qabsoomay.

“Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed  Cabdi Kaariye. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada iyo kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaar ah ee Facebook.

Xasan Cali Kheyre ayaa dadaal weyn ku bixiyay dhismihii Galmudugta cusub ee lagu doortay Qoorqoor, ilaa iyo hadda saameyntiisu waa id ka jirta degaanada Galmudug.

Labda Dhinac waa markii ugu horreysay oo ay kulmaan tan iyo 25 Luulyo 2020, iyadoo ay muddo ku wada sugnaayeen Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan shaaciyay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada dalka, doorashada la filayo inay dhacdo sanadka dambe ee 2021.