Gudoomiye Mahad Cawad “Aniga Kursigeyga Galmudug ayuu transet kusoo yahay”

42

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xildhibaanada golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka hadlay walaaca xildhibaanada hadda jooggaa ay ka qabaan in aysan kusoo laaban doonin kuraasta, maadaama ay qaarkood xiriir wanaagsan uusan kala dhaxeyn maamulada.

Waxaa uu Madaxweynaha Puntland ugu baaqay in uusan hor istaagin xildhibaanadii hadii kale aysan ansixin doonin heshiiskii dhawaan lagu gaaray Muqdisho ee maamulada iyo dowladda dhexe.

Waxaa uu tilmaamay in kuraasta xildhibaanada ay ku fadhiyaan qaarkood la doonayo in laga badallo goobihii loogu tala galay cabsi laga qabo Madaxda maamulada ee hadda joogga.

Cawad ayaa xusay in kursigiisa uu kala soo cararay Puntland oo uuna keensaday Galmudug.

 “Aniga Kursigeyga Galmudug ayuu transet kusoo yahay Saaxiibada kale ee Puntland isku soo dooranayo hakaa Nabad galaan Madaxweyne,doorasho ayaa loo socdaa Amaan ha la idinka helo,hadii kale heshiiska ma ansixineyno”ayuu yiri Gudoomiye Cawad.