Taliyaha Ciidanka xoogga oo ka hadlay dagaalka Gobolka Galgaduud

30

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Janeraal Odowaa Yuusuf Raage oo la Hadlay Idaacada Ciidamada ayaa Sheegay in dagaalka Bulacle lagu dilay saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Generaal Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 16 ka tirsan  Al-shabaab, kadib dagaal ka dhacay degaanka Bulacle ee Gobolka  Galgaduud.

Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Xusay in dagaalka Al-shabaab looga qabsaday Sideed qori uu isugu jira Ak47 Bkm iyo Hal qori oo Saban ah