Guddoomiyaha Aqalka Sare & Madaxweynaha Puntland oo kulan yeeshay

29

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa Kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka labada mas’uul oo ay wehlinayeen Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mudane Mowliid Xuseen Guhaad ayaa looga hadlay Arrimo dhowr ah.

Kulanka oo ka dhacay guriga guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, waxaana Guddoonka Aqalka Sare uu Madaxweynaha ku bogaadiyey doorkiisa muhimka ah ee samata bixinta Dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maalin ka hor la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la filayaa in kulamada siyaasadeed uu sii wado.