Guddiga doorashooyinka Puntland oo taageero ka dalbaday Beesha Caalamka

11

Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya xubno ka socda beesha caalamka oo ay ka mid yihiin safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, Switzerland, Denmark iyo sanduuqa xasilinta Soomaaliya (Somali Stability Fund).

Waxay labada dhinac iska waraysteen dadaalada socda ee Puntland ay ugu guurayso hannaanka xisbiyada badan iyo qabsoomidda doorasho qof iyo cod oo qabsoonta sannadka soo socda ee 2021.

Beesha Caalamku waxay bogaadiyeen dadaaladda socda iyo hormarka la gaaray oo ay ugu horrayso jiritaanka Ururo Siyaasadeed oo tiri iyo tayo ba leh kuwaas oo tartanka gelidoona sannadka dambe. Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay wax walba oo suuragal ah la garab istaagidoonaan Puntland sidii ay u hirgalin lahayd hannaankaan.