DFS oo sheegtay in sanadka soo socda ay soo gabagabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka.

21

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa  lagu wadaa inay ku dhawaaqdo shirkaddaha ku guuleystey Ruqsad siinta qandaraasyada shidaalka iyo gaaska markii ugu horaysay horaanta sanadka soo socda.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA), Ibrahim Ali Hussein, oo wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters, ayaa u sheegay, in sanadka soo socda ay soo gabagabeynayaan bixinta qandaraasyada shidaalka.

Ibrahim Ali Hussein oo horey u ahaa la taliyaha wasiirka tamarta Soomaaliya, ayaa sheegay inay dowladdu yareysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda kusoo koobtay ilaa 7 baloog sababo la xiriira caqabadaha dhinaca awooda.

Maareeyuhu wuxuu tilmaamay in cudurka coronavirus uu dib u dhigay wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda iyo shirkaddaha Shell iyo Exxon Mobil, si loogu beddelo heshiiskii ay horay u wada galeen heshiis wax soo saareed.

“Heshiiskan wuxuu gacan ka geysan doonaa in la soo afjaro xiraanshaha xarumaha shidaalka ee jiray illaa 1990, ayuu yiri Ibrahim Hussein, isagoo intaas ku daray in Shell iyo Exxon ay ku leeyihiin xuquuq gaar ah sahaminta batroolka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay shirkadda Shell ayaa yiri “waxaan wadnaa wadahadal joogta ah oo wax ku ool ah oo aan la leenahay mas’uuliyiinta Soomaaliya oo ku saabsan qorshe-hawleed lagu beddeli karo heshiiskii jiray.