Masar oo shaacisay habka ay ku dhacsaneyso qeybteeda biyaha Nile

11

Madaxweynaha Masar Cabdulfatah Al-Sisi ayaa sheegay in dowladdiisa ay dariiqa wadahadalka u mareyso xiisadda biyo-xireenka Ethiopia, si Masar usoo dhacsato qeybtii ay ka laheyd nacfiga biyaha wabiga Nile.

Shacabka ku nool Masar oo gaaraya 100 milyan ayaa in ka badan 90% waxay noloshooda ku tiirsan tahay biyaha webiga Nile.

Hase yeeshee waxaa taas hadda halis gelinaya, sida ay Qaahira sheegtay biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay halka webiga Nile uu ka maro meel u dhow xuduudda Sudan, taasi oo Masar ay aad uga soo horjeesatay.

Wasiirka biyaha Ethiopia ayaa 15-kii July sheegay in Addis-Ababa ay billowday buuxinta biyo-xireenka, maalin kadib markii ay burbureen wada-hadalladii kala dhaxeeyey Masar iyo Sudan.