Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyay u jeedka uu u yimid Muqdisho

29

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa ay Maanta soo gaareen Magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Qoor Qoor ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee muqdisho kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socaalkaan uu yahay ki ugu horeeyay uu muqdisho ku yimaado tan iyo doorashadiisi,isla markaana u jeedka uu u yimid ay tahay howlihii nabada iyo horumarka uu ka waday deegaannada Galmdug.

Waxaa uu sheegay in inta uu ku suga yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka oo uu wadatashiyo kala duwan la yeelan doono, in kastoo uusan faah faahin.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa socdaalka uu ku yimid Magaalada Muqdisho waxaa uu kusoo aadayaa xilli xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kaalin weyn ku lahaa doorashadiisii.