Sheekh Shariif oo DF ka dalbaday inay wax ka qabato dhibaato taagan

18

Iyadoo qoysaskii ugu badnaa ay ka barakaceen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabeelle ayaa waxaa iska soo daba dhacaya baaqyada ku aadan in gurmad loo fidiyo dadka reer Afgooye iyo deegaanada ku xeeran.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo ay maanta qabteen hoggaanka madaxsha xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay fatahaadda ka dhacday Afgooye iyo xaaladda nololeed ee halkaas ka taagan.

Sheekh Shariif ayaa madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmad loogu fidiyo dadka reer Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo fatahaad xoog leh uu ka sameeyey wabiga Shabeelle.