MW Ku-Xigeenka Kenya Oo Ka Hadlay Sababta Looga Hor Istaagay Safar Uu Aadi Lahaa

18

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa ku tilmaamay tallaabadii looga joojiyay safar uu ku aadayay dalka Uganda qorshe ka dhan ah damaciisa siyaasadeed.

Wareysi uu Maanta siiyay Raadiye maxalli ah oo la yirahdo (Inooro FM), ayuu William Ruto ku sheegay inuu horay booqasho rasmi ah iyo mid gaar ah oo aan fasax laga weydiin ugu ku tagay Uganda.

Wuxuu sharraxay in socdaalkiisu uu uga gol lahaa inuu wax ka soo barto sanduuqa maalgeinta ee Uganda si waafaqsan ololihiisii dhowaan ee ahaa in sare loogu qaado nolosha dadka dakhligoodu hoseeya ee ku nool Kenya iyo sido kale in la kobciyo guud ahaan dhaqaalaa Kenay.

Markii la weydiiyay sababta uusan madaxweynuhu Uhuro uusan war uga hayn qorshaha socdaalkiisa, Ruto ayaa ku jawaabay ‘Ma hubtaa in madaxweynuhu uusan xogta safarkayga?’

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muddadii 9 -ka sano ahayd ee uu soo ahaa madaxweyne ku -xigeenka, aan marnaba la weydiin fasax la xiriira safaradii uu dibadda ku aaday, wuxuuna la yaabay sababta ay hadda arrintan u soo ifbaxday.