Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xoghayaha arrimaha dibadda Britain?

9

Ra’iisul Waaaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Britain ,Dominic Raab, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,arimaha amniga,xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab. .

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa Dowladda UK uga mahad celiyay taageeradeda Soomaaliya ay siiso oo leh dhinacyo kala duwan.

Rooble ayaa hadda ku sugan magaalada London, halkaa uu ugu qeyb galayo shir caalimi ah, kaas oo looga hadlayo arrimaha waxbarashada isagoona kulamo laqaadanayo madaxda shirkaasi kasoo qeyb galayso.