Xildhibaanno ku shiray muqdisho oo soo saaray War-murtiyeed.

13

Xildhibaanno tiradooda ay tahay 40 oo  ka tirsan labada gole ee baarlamaanka soomaaliya,  sidookale kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka soomaaliya.

War-saxaafadeedkooda ayee mudanayaasha ku sheegeen in ay soo dhaweenayaan dadaalada iyo hannaanka uu wax u wado RW Rooble.

Sidookale waxaa ay tilmaameen in xildhibaanno ay jiraan, kuwaas oo carqalad ku wado hannaanka doorashooyinka, islamarkaana aysan doonayn  in doorasho ee dalka ka dhacdo.