R/Wasaare Rooble oo soo dhaweeyay liiska Xubnaha aqalka Sare ay soo gudbisay Jubbland.

4

War qoraal ah oo ka soo baxay R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay liiska musharixiinta ee uu soo gudbiyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

“Waxaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada, doorashadu way bilaabatay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale R/wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada kale waxaa uu ugu baaqay in ay dedejiyaan qabashada doorashada.

“Dowlad-goboleedyada kalena waxaan ku boorrinayaa in ay soo dedejiyaan qabashada doorashada.”ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay Rooble.