Guddoomiye Mursal oo la kulmay wafdi ka socda Qatar

4

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah goโ€™aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid.