Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan xasaasi ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka qaranka iyo hannaanka loo wajahayo qabsoomidda doorashada.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Wasiirrada lagu wargeliyay ka soo qeybgalka kulanka, kaas oo la filayo in ajandihiisa ugu weyn uu noqdo dib-u-eegista sharciga doorashooyinka iyo qorshaha dowladda ee ku aaddan hannaanka doorashada soo socota.
Macluumaadka la helayo ayaa tilmaamaya in kulanka lagu soo qaadi doono qorshe wax-ka-beddel loogu sameynayo sharciga doorashooyinka, gaar ahaan qodobada la xiriira doorashada furan ee qof iyo cod.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qorshaha dowladda uu yahay in wax-ka-beddelka la soo jeediyay marka hore uu maro Golaha Wasiirrada, haddii la ansixiyana loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay uga doodaan una meel mariyaan.
Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, dowladda Federaalka ayaa dooneysa in laga guuro hannaanka doorashada furan (Open List), loona wareego doorashada liiska xiran (Closed List), taas oo xisbiyada siyaasadeed siinaysa awood ay ku soo gudbiyaan liisaska musharraxiinta, iyadoo kuraasta lagu tartamayo loo qaybinayo liisaskaas.
Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dhinacyada mucaaradka, kaas oo salka ku haya qaabka doorashada, waqtiga la qabanayo iyo heshiiska siyaasadeed ee lagu wajahayo doorashooyinka soo socda.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u shaaciyay jadwalka doorashooyinka, kaas oo dhigaya in doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka la qabto 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.











