Dowladda Burundi ayaa dadaal degdeg ah ugu jirta sidii ay ciidamadeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya ka hor dhammaadka muddada howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), sida ay baahisay warbaahinta Africa Intelligence.
Taageeradaas waxaa bixiya Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo ciidamada Midowga Afrika u fududeeya adeegyo ay ka mid yihiin sahayda cuntada, shidaalka, gaadiidka iyo adeegyada caafimaadka.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli mustaqbalka howlgalka AUSSOM uu wajahayo hubanti la’aan la xiriirta dhaqaale-yari iyo caqabado dhanka taageerada saadka ah, iyadoo ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan qaabka loo sii wadi doono howlgalka iyo muddada uu Soomaaliya ka sii shaqeyn doono.
Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2809, oo la ansixiyay bishii Diseembar 2025, ayaa oggolaaday in howlgalka AUSSOM uu sii shaqeeyo ilaa 31-ka Diseembar 2026, iyadoo la qorsheeyay in ciidamadiisu gaaraan illaa 11,826 askari iyo boolis.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Africa Intelligence ma faahfaahin tirada ciidamada Burundi ee la qorsheeyay in la saaro, jadwalka rasmiga ah ee bixitaankooda iyo halka ay ka bixi doonaan.











