Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista madaxda dhowr hay’adood oo dowladeed, siyaasado qaran iyo heshiis is-afgarad oo Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeya, kaddib kulan toddobaadle ah oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Kulanka oo maanta ka dhacay Muqdisho ayaa lagu ansixiyey mas’uuliyiin loo magacaabay hay’adaha Dakhliga Qaranka, Qaxootiga iyo Barakacayaasha, iyo Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka.
Faysal Maxamed Xaashi ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka, halka Khadar Maxamuud Xareed loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
Sidoo kale, Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa loo magacaabay Maareeyaha Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka, halka Dr Faarax Maxamed Sharaawe loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka hay’addaas.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey saddex siyaasad qaran oo kala ah siyaasadda waxbarashada farsamada iyo tababarka xirfadaha, siyaasadda kafaala-qaadka carruurta Soomaaliyeed iyo siyaasadda nidaaminta arrimaha hijrada.
Waxa kale oo goluhu ansixiyey heshiis is-afgarad oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo la xiriira iskaashiga dhinaca adeegyada bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey doorashooyinkii qof iyo cod ee dalka ka dhacay, isaga oo ku tilmaamay guul muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Xamsa ayaa sidoo kale ka digay in kooxaha argagixisada loo muujiyo sidii dhinacyo siyaasadeed oo caadi ah, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid keeni karta khatar amni. Waxa uu sheegay in xaaladda amni ee dalka ay wanaagsan tahay, isla markaana ciidamada xoogga dalka ay awood u leeyihiin gudashada waajibaadkooda.
Marka laga hadlayo khilaafaadka siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in wadahadalladu socdaan, isla markaana dowladda ay weli furan tahay gogosha wadatashiga, isaga oo carrabka ku adkeeyey in go’aan kasta lagu saleeyo dastuurka iyo shuruucda dalka.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan taageero farsamo iyo tababbarro uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu siiyey mas’uuliyiinta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyo horumarka laga sameeyey xarunta adeegyada mideysan ee Halmeel.











