Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa sheegay inuusan aqoonsanayn in madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle uu siyaasadda iyo talada reer Hiiraan ku matalo, isagoo xusay in mowqifka dadka deegaanka ee arrintaasi uu hore u caddaaday.
Sanbaloolshe oo ka hadlayay khilaafka ka dhashay matalaadda siyaasadeed ee reer Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle, ayaa sheegay in inkasta oo madaxweyne ku-xigeenka ay qaraabo iyo tol yihiin, haddana uusan u arkin qof ay reer Hiiraan ku aamineen matalaaddooda siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in madaxweyne ku-xigeenku uu matali karo siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo tan maamulka Hirshabeelle, balse uusan matalin aragtida iyo rabitaanka reer Hiiraan, isagoo intaas ku daray in dadka deegaanka aysan diyaar u ahayn in go’aankooda siyaasadeed lagu beddelo cid aysan iyagu dooran.
Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ay mowqifkooda muujiyeen, isla markaana aysan diyaar u ahayn in lagu qanciyo go’aanno aan lagala tashan.
Wuxuu xusay in arrimaha waaweyn ee la xiriira awood-qaybsiga, hoggaanka iyo caasimadda Hirshabeelle ay u baahan yihiin wadatashi iyo heshiis ay dhinacyada ay khusayso si wadajir ah uga gaaraan, halkii go’aanno hal dhinac ahi lagu soo rogi lahaa.
Isagoo ka hadlayay hadal uu dhowaan jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiriiray arrinta caasimadda Hirshabeelle iyo rabitaanka reer Hiiraan, Sanbaloolshe ayaa sheegay in aanay reer Hiiraan ku qanacsanayn qaabka hadda wax u socdaan, isagoo su’aal geliyay awoodda madaxweynuhu u leeyahay inuu keligiis go’aamiyo arrimaha noocaas ah.
Wuxuu ku dooday in haddii caasimadda, madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay ka mid yihiin qodobada waaweyn ee awood-qaybsiga, ay tahay in marka hore laga wada tashado, lana tixgeliyo aragtida iyo saamiga siyaasadeed ee dhinac kasta.
Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa iska fogeeyay eedeymaha sheegaya inuu taageero siyaasadeed iyo mid ciidan ka raadsanayo dowladda Itoobiya, si uu uga hortago dowladda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inuusan jirin garab shisheeye oo uu u raadsanayo inuu Soomaaliya ku duminayo, isagoo xusay in dadka lagu qiimeeyo ficilladooda, isla markaana aanay jirin ciidan, saanad ama dhaqaale Itoobiyaan ah oo uu u soo kaxaystay.
Sanbaloolshe ayaa sharaxay in safarkiisa dhinaca Itoobiya uu la xiriiray xiriirka bulshada iyo isu-socodka ka dhexeeya dadka deegaannada xuduudda ku nool, isagoo sheegay in dhanka Itoobiya uu yahay marin uu si dabiici ah ugu geli karo deegaankiisa.
Wwuxuu eedeymaha la xiriira taageerada shisheeye ku tilmaamay kuwo lagu dhaawacayo sumcaddiisa, isagoo ku adkaystay in uusan ka mid ahayn dadka ay dowlado shisheeye u adeegsanayaan inay ka hor yimaadaan dowladnimada Soomaaliya.











