Ciidamada Badda Itoobiya ayaa soo gabagabeeyay kulan heer gobol ah oo looga hadlayay amniga badda, kaas oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socday Somaliland, Puntland, Jabuuti, Yemen iyo Cumaan.
Kulankan ayaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga amniga badda, badbaadinta dadka ku sugan badda iyo is-weydaarsiga xogaha la xiriira xaaladaha amni ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya.
Kulanka waxaa taageerayay Midowga Yurub, waxaana ka qaybgalayaashu ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga badda iyo isku-duwidda gurmadka marka ay dhacaan xaalado degdeg ah.











