Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde.

0

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta si nabad ah ku soo gaaray degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Shacabka degmada Ceel-Barde ayaa askarta ku qaabilay farxad iyo dabaaldeg, iyagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshahooda.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in askartan ay muddo ku xirnaayeen Itoobiya, balse maanta ay si nabad ah dib ugu soo laabteen gudaha Soomaaliya.

 

Askarta ayaa la filayaa in marka ay dhammeystaan muddada fasaxa loo oggolaaday ay dib ugu laabtaan deegaanka Xananbuure, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamadii ay ka tirsanaayeen.

Soo laabashada askartan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay socdaan dadaallo la xiriira xaaladda ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada xuduudaha iyo xiriirka amni ee Soomaaliya iyo Itoobiya.