Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay xaalad uu ku tilmaamay mid halis ku ah dawladnimada dalka, isaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu diiday in la qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Deni oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 59-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in meesha ay ka baxeen heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u ahaa nidaamka dawladnimada Soomaaliya, oo uu ku jiro dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee la ansixiyay 2012-kii.
Waxa uu sheegay in go’aanka uu Xasan Sheekh ku dhawaaqay 15-kii Oktoobar 2026 ee ku saabsan hannaanka doorashada uu halis ku yahay jiritaanka Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in dhinacyada siyaasadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay isugu yimaadaan sidii xal looga gaari lahaa xaaladda taagan.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay wada-tashi ballaaran oo ay ka qayb qaataan Soomaalida iyo beesha caalamka, si looga hortago caqabadaha uu sheegay inay wiiqayaan geeddi-socodka dawlad-dhiska Soomaaliya.
Deni ayaa sidoo kale sheegay inuu fahamsan yahay niyad-jabka ay xaaladda siyaasadeed ku abuurtay qaar ka mid ah shacabka Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay muddo dheer ku taamayeen dawlad Soomaaliyeed oo dhammaystiran.
Waxa uu ballanqaaday inuusan qaadan doonin go’aanno aanu ku tilmaamay kuwo aan u qalmin shacabka Puntland, isaga oo sheegay in maamulkiisu uu shacabka kala tashan doono marxaladda adag ee dalku marayo.











