DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay xoojiyeen abaabulka ciidamo la doonayo in dib loogu qabsado degmooyin ka tirsan gobolka Baay oo ay gacanta ku hayaan ciidamo taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Degmooyinka la sheegay in ay gacanta ku hayaan ciidamada taageersan Lafta-gareen waxaa ka mid ah Qansaxdheere, Bardaale, Buurhakaba, Awdiinle iyo Diinsoor. Abaabulka socda ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in dib loogu soo celiyo gacan ku haynta deegaanadaas.

Wararka laga helayo xaaladda Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamo badan ay ku jiraan abaabul la xiriira guluf ciidan oo lagu qaadayo degmooyinka ay joogaan xoogagga taabacsan Lafta-gareen. Hase yeeshee, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xilliga uu bilaabanayo gulufkaas iyo baaxaddiisa weli lama hayo.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii maamulka Aadan Madoobe loogu adkeyn lahaa magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay, xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed iyo midda amni ee ka dhalatay loollanka u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaanka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada taabacsan Lafta-gareen ay cadaadis ku hayaan degmooyin ka tirsan gobolka Bakool, taas oo sii adkeynaysa xaaladda amni ee deegaannada ku dhow xuduudaha labada gobol.

Xiisaddan ayaa timid iyadoo khilaafka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu isu beddelay loollan ciidan oo ay dhinacyadu isku dayayaan inay ku xoojiyaan gacan ku hayntooda deegaanada istaraatiijiga ah.

Waxaa weli la sugayaa tallaabooyinka xiga ee dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyo in abaabulka socda uu isu beddeli doono guluf ciidan oo lagu doonayo in dib loogu qabsado degmooyinka ay haystaan ciidamada taageersan Lafta-gareen.