GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb.

0

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod oo ka mid ah codadka xildhibaannada.

Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Galmudug, isaga oo helay 87 cod.

Dhanka kale, Mursal Cabdi Aadan ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii cod gacan-taag ah ay ku oggolaadeen 87 xildhibaan.