Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan qorshe la sheegay in ciidamadeeda ay uga saarayaan Soomaaliya, kaddib warbixinno sheegayay in Addis Ababa ay qorshaynayso inay dalka kala baxdo in ka badan 3,000 oo askari.
Warbixin ay dhawaan baahisay Bloomberg ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka bixi karaan maalmaha ama toddobaadyada soo socda, iyadoo dib uga qarxay dagaallo ka socda gudaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, ay Addis Ababa ku qasbi karaan inay ciidamo u wareejiso gudaha dalka.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay Bloomberg ayaa sheegay in Muqdisho aan loo soo gudbin wax qorshe rasmi ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada Itoobiya. Ilaa hadda sidoo kale ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Itoobiya oo ku saabsan qorshaha la sheegay.
Sidoo kale lama oga tirada ciidamada laga yaabo inay Soomaaliya ka baxaan iyo goobaha ay hadda ka howlgalaan. Lama xaqiijin in qorshuhu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada ku jooga heshiisyada amni ee labada dal, ama labada dhinacba.
Itoobiya ayaa Soomaaliya ku leh kumannaan askari oo qeyb ka mid ah ay ka howlgalaan AUSSOM, halka ciidamo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo amni oo labada dowladood dhexmaray. Addis Ababa ayaa muddo dheer qeyb ka ahayd howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.











