Britain oo ka walaacsan dagaallada kusoo laalabtay Baydhabo, kuna baaqday in xiisadda la dejiyo

2

Dowladda Britain ayaa walaac xooggan ka muujisay dagaallada dib uga soo cusboonaaday magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo sheegtay in colaadda ay saameyn ku yeelanayso dadka rayidka ah.

Safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay maanta ku sheegtay inay ugu baaqayso dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay muujiyaan is-xakameyn, isla markaana ay ka shaqeeyaan dejinta xiisadda.

Britain ayaa sidoo kale ku boorrisay dhinacyada isku haya xaaladda Baydhabo inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, iyadoo ka digtay in rabshado hor leh ay sii xumeyn karaan xaaladda bani’aadannimo ee Koonfur Galbeed.

Safaaradda ayaa xustay in bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ay horeyba u wajahaan xaalad bani’aadannimo oo jilicsan, iyadoo ay sidoo kale jiraan walaacyo la xiriira saameyn ka dhalan karta El Niño toddobaadyada soo socda.

Bayaanka Britain ayaa ku soo beegmaya xilli Baydhabo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo sababay isku dhacyo, iyadoo xaaladda magaalada ay si dhow ula xiriirto khilaafaadka siyaasadeed ee kadhex taagan nidaamkii hore ee Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaanka cusub ee Koonfur Galbeed.