Sucuudiga, Qatar, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulan ka yeeshay sidii loo taageeri lahaa amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga hadlay ilaalinta midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida dalka.
Kulanka waxaa dhinaca Sucuudiga uga qaybgalay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee arrimaha caalamiga ah, Dr. Cabdiraxmaan bin Ibraahim Al-Rasi, halka uu sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waaxda Dalalka Afrika, Saqr Al-Qurashi, Soomaaliya waxaa uga qeyb galay wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad.
Mas’uuliyiintu waxay kulanka kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, iyo caqabadaha dhaqaale iyo bani’aadamnimo ee dalka ka jira.
Waxaa sidoo kale la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dowladda Soomaaliya laga taageero wax ka qabashada caqabadaha amni, dhaqaale iyo bani’aadamnimo, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu ilaalinayo midnimada Soomaaliya, madaxbannaanideeda iyo dhulkeeda.
Kulankan ayaa ka mid ah kulamo diblomaasiyadeed oo ka socda magaalada New York xilli ay madaxda iyo mas’uuliyiinta caalamku ka qaybgalayaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.











