Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dalal Afrikaan ah iyo kuwo kale ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland.
Cirro oo hadalkan ka sheegay kulan lagu qabtay magaalada New York, ayaa sheegay in Turkiga uu dadaallo ka sameeyay dalal badan oo Afrikaan ah, isaga oo ku eedeeyay in arrintaasi ay saameyn ku yeelatay waddamo uu sheegay inay doonayeen inay Somaliland aqoonsadaan.
“Waxa jira waddamo badan oo Afrikaan ah iyo qaar aan Afrikaan ahayn, oo wada olole ay kaga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay Turkiga, isaga oo sheegay inuu booqashooyin ku tagayay waddamo badan oo Afrika ah, taas oo uu sheegay inay qayb ka noqotay dadaallada lagaga hortagayo aqoonsiga Somaliland.
Sidoo kale, Cirro ayaa sheegay in Masar ay ka mid tahay waddamada wada dadaallada ka dhanka ah aqoonsiga Somaliland. Masar ayaa si rasmi ah uga soo horjeesatay aqoonsigii Israa’iil ay Somaliland siisay, iyadoo taageertay midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in cadaadiska diblomaasiyadeed uu sababay in qaar ka mid ah waddamada uu sheegay inay Somaliland aqoonsi siin lahaayeen ayna weli qaadin tallaabadaas.
“Taasi waxa ay sababtay in waddamo badan oo doonayay inay na aqoonsadaan ay na aqoonsan,” ayuu yidhi.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland ayaa muujiyay rajo ah in dadaallada Somaliland ay ugu dambayn natiijo ka dhalan doonto, isaga oo sheegay in “xaqiiqdu ay iman doonto”.











